Kooxo la sheegay inay yihiin burcad badeed kuna sugan Xeebaha Puntalnd, ayaa gacanta ku dhigay markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, sida ay Khamiisti sheegeen ciidamada Midowga Yurub qaybta la dagaalanka burcad badeedda.
Ciidamadan ka hortagga burcad badeedda, ayaa sheegay, in markabka oo ay saarnaayeen shaqaale gaaraya ilaa 18, ay la wareegeen burcadda, kuwaas oo qaarkood ku hubeysanaa qoriga AK-47 iyo qoryo kale.
Waxay dhacdadaas ku tilmaameen fal xadgudub iyo dhac isugu jira oo ka dhacay badda.Waxayna intaas ku dareen, inuusan jirin mid ka mid ah shaqaalihii markabka oo uu dhaawac soo gaaray.
Weerarkan ay gaysteen kooxaha burcad baddeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya meel qiyaastii 380 nuatical mayl bari kaga beegan magaalada Muqdisho dhammaadka bishii may ee sanadkan.