Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaanan weli si rasmi ah u billaaban, waana tallaabo muujineysa gaabis xooggan oo jira.
Maamulladii lagu waday in ay deegaanadooda ka billawdaan wajiga labaad ee dagaalka ayaa wajahaya daruufo siyaasadeed, kuwaas oo dhaliyey xiisado ka taagan deegaanada ay ka arimiyaan.
Jubaland ayaa walaac ka muujineysa xiisada ka taagan gobolka Gedo, maaddaama waxgaradka gobolka uu diiday maamulkii uu soo magacaabay Axmed Madoobe.
Koonfur Galbeed ayaa iyaduna la daalaa dhaceysa culeysyo siyaasadeed oo ka heysta Magaalooyinka Baraawe iyo Ceel Barde, oo ka kala tirsan gobolka Shabeelaha Hoose iyo Bakool.
Magaalooyinkan oo qeyb ka ah deegaanada uu ka taliyo maamulka uu hoggaamiyo Lafta-Gareen, ayaa waxaa ka aloosan xiisado salka ku haya arrimo qabiil, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa saameyn lixaad leh ku yeeshay dhimista lagu sameynayo ciidamada ATMIS, kuwaas oo durba faarujiyey saldhigyo dhowr ah.
Si kastaba, wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa la isku raacsan yahay, in aanu noqon doonin mid la mid ah wajigii hore ee dagaalka, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada deegaanka, Al Shabaabna looga saaray deegaano badan oo ka tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.