Waxaa todobaadyadan aad u socda dadaalada loogu jiro, soo celinta wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, ee ku wajahnaa midnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo arrinta u xilsaaray Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed, ayaa looga fadhiyaa dhaqaajinta wada hadaladan.
Guuleed ayaa hore kulan wadatashi ah ula qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aaddan sida ay ku laaban karto midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Iminka wuxuu Cabdikariin Guulleed, labbo casho ka hor la kulmay, Ergayga dowladda Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada DFS iyo Somaliland,iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray halka howsha ay mareyso iyo kaalinta ay dowladda Turkey ka qaadan karto.