Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo ka hadlayey xiisada ka taagan Hirshabelle, ayaa ka digay in halkaasi ay ka dhacaan dagaallo qabiil.
Wuxuu sheegay in khilaaf beeleedyada ka soo cusbnoonaaday Hirshabelle ay horseedi karaan inuu dhiig ku daato, taas oo uu ku sifeeyey arrin aan qurux badneyn.
Waare ayaa ka dhawaajiyey in hurinta xiisada beeleed ee Hirshabelle ka aloosan, ay ka qeyb qaadanayaan shaqsiyaad dano gaar ah leh, kuwaas oo uu ku taliyey in meel looga soo wada jeesto.
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, ayaa tilmaamay in xiisada taagan, ay cuuryaamineyso dagaalkii lagula jiray Al Shabaab, oo sida uu tibaaxay markan fursad u heli kara in ay soo xoogeystaan, isla markaana dib u qabsadaan goobihii kal hore laga xoreeyey.
Hadalka Waare ayaa ku soo aaddaya, xilli xiisad qabiil ay ka taagan tahay Hirshabelle, taas oo ku qotonta dhul, waxaana xiisadaasi ay dab ku sii shideysa tan u dhaxeysa maamulka iyo gudoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jeyte, oo isna qudhiisa ku dhawaaqay maamul cusub.
WQ: Ayaanle Qoyste