Waxaa durba soo if baxaya kala aragti duwanaanshaha iyo ismaandhaafka uu abuuray qorshaha nabadeed ee Trump uusoo bandhigay in lagu xasilinayo Gaza.
Qorshaha nabada gaza ee Trump oo ka kooban 20 qodob ayaa dhaliyey muran fara badan, waxaana qodobada ugu muhiimsan ay yihiin: in xamaas ay sii deyso dhamaan maxabiista ay gacanta ku heyso, in israa’iil si tartartiib ah ay uga baxdo Gaza wallow aan la cayimin waqti iyo in aan qofna si qasab ah looga mususaafirin karin marinka gaza.
Waxaa sidoo kale iyana xasaasiyad gaar ah abuuray qodobada kala ah: In gaza la geeyo ciidamo ka socda dalal kala duwan iyo in ay Hubka dhigaan Xamaas, si ay u suura gasho in gaza loo dhiso sida magaalo galbeed ah.
Waxaa ka mid ah qodobada fajaca keenay ah ee ku jira qorshaha nabadeynta trump in xamaas guud ahaan laga reebo in ay mustaqbalka wax door ah ku yeeshaan qorshaha maamul dhisida gaza iyo sidoo kale gaza laga hirgaliyo maamul kmg ah oo labo heer kaas oo kala ah in ay talada yeeshaan guddi quburo falastiiniyiin ah iyo hay’ad caalami ah oo ka sareysa, oo ay Xamaas ka madax bannaan tahay.
Haddaba Maxey yihiin qodobada Israa’iil iyo Xamaas ay dooda ka keeneen?
Israa’iil ayaa ka biyo diiday in Gaza lagu aamino maamul falastiiniyiin ah ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabaas, Wuxuu sidoo kale Natanyaho cabasho ka soo celiyey hub ka dhigista xamaas, taa oo ku tilmaamay mid aan cadeyn waqtiga ay dhaqan galeyso, Wuxuu sidoo kale soo jeediyey in xubaha xamaas ay ka baxaan Gaza, isagoo si adag u diiday aqoonsiga dowlad falastiini ah iyo xalka labada dowladood.
Xamas dhankeeda waxey iyaguna qaadaceen qodobka hubka ka dhigista taas oo ay ku sifeeyeen mid awoodooda lagu wiiqayo, waxey geesta kale xamaas si toos ah u sheegeen in aysan Gaza ka arrimin doonin cid aan iyaga oggolaansho ka heysan.
Inkastoo jawaab sugan aysan ahayn haddana Wakaaladda wararka ee Reuters , ayaa ka soo xigatay ilo ku dhow ururka Xamaas ; kuwaa oo yiri “ Qorshaha Trump ee joojinta dagaalka wuxuu gebi ahaanba u janjeeraa dhinaca Israa|l, wuxuuna soo bandhigayaa shuruudo aan suuragal ahayn oo ujeeddadoodu tahay in la tirtiro kooxda….Waxa uu Trump soo jeediyey waa in si buuxda loo qaato dhammaan shuruudaha Israa|l, kuwaas oo aan siinayn shacabka Falastiin iyo dadka reer Qasa wax xuquuq sharci ah.”
Xamaas ayaa ilaa waqtigan dib u eegis ku wada qorshaha ay isku raaceen Trump iyo Netanyahu oo ka kooban 20 qodob , waxaana la sugayaa go’aankooda, sida ay werisay Al Jazeera.
Trump ayaa yiri: “Waxaan sugayaa jawaabta Xamaas, waxay heystaan muddo saddex ilaa afar maalmood ah oo ay ku soo jawaabaan. Haddii ay diidaan, markaas Israa|l waxay sameyn doontaa wixii ay tahay in ay sameyso. Ma jiro wada-xaajood dambe oo la galayo.”
Qodobada waxaa sidoo kale ku jiray in Israa’iil aysan mar danbe weerarin qatar, taas oo uu Natenyah aqbalay isagoo wacay khatar wuxuuna ka raalli geliyay weerarkii aya Israa|l ka geysatay Dooxa,, arrintan ayaa ahayd sharudii ay qatar dul dhigtay Israa’iil taas oo ku soo celin kartay doxa dhex dhexaadinta heshiiska xabad joojinta ee ay waday.
kadib qodobada ay isla qaateen Trump oo aqalka cad ku qabtay shir jaraa’id isagoo uu dhinaciisa taagan yahay Netanyahu wuxuu sheegay in loo doortay hogaamiyaha koowaad ee daadihin doona guddiga nabadeynta Gaza, taas oo ka dhigan in trump uu noqonayo qofka ugu danbeeya ee leh go’aanka marinka Gaza, Tony Blair RW hore ee Ingisiirka ayaa isaguna guddigan qeyb ka noqon doona, iyadoo dhawaan la shaacin doono xubnaha kale ee guddiga.
Trump ayaa si cad u sheegay in taageero dhan walba ah uu siin doono Israa’iil haddii ay xamaas qorshahan u hoggaansami weyso, taas oo u muuqaal eg fariin hanjabad ah.
Trump wuxuu yiri”“ Waxaan haysannaa fursad dhab ah oo weyn, taa oo guul u ah Bariga Dhexe. Dhammaan dhinacyadu waa diyaar, waxaana jira wax gaar ah oo la sameynayo, waa markii ugu horraysay taariikhda. Waxaan hubaa inaan hirgelin doonno qorshahan!”
inkastoo iminka ay ka walaacsan yihiin misana Qaar kamid ah dalalka Carabta ayaa siweyn u taageeray qorshaha Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ee ku aaddan joojinta coladda labada sano ka socota Marinka Gaza.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda dalalka Qatar, Urdun, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Pakistan, Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa soo dhoweeyay dadaallada daacadnimada leh ee Madaxweynaha Mareykanka uu ku doonayo inuu ku soo afjaro dagaalka Gaza.
Warsaxaafadeedkan oo ay Qatar sii deysay isla xilliga uu soo baxay qorshaha Trump ee joojinta Qasa , wuxuu ahaa mid aysan si feejigan u akhrin isla markaana la diyaariyay ka hor ku dhawaaqista dalalkan; taas oo wal wal hor leh abuurtay.
Arrintan ayaa ka dhigan in Netanyahu uu hoggaamiyeyaashii Carabta iyo Muslimka kaga guuleystay qorshihii nabadda Qasa, waxana qorshahan uu si aad ah uga duwan yahay midkii uu Trump kula heshiiyey dowladdaha carabta, waana arrinta soo de dejisay carada ay muujinayaan maaddaama ay ku deg degeen warsaxafadeedka.
Durba Aqalka cad , waxaa loo diray wafdi ka socda Qatar oo dalalkan ma talayay, haddase waxaa taagan dood iyo caro ka dhalatay in qodobbada la ogeysiiyay dalalkan , kuwa ka duwan la shaaciyay oo qorshaha la soo bandhigay uu yahay mid lagu soo daray shuruudo adag oo aysan horey ula socon , marka loo eego carada ay ka qaadeen qorshahan dalalka ; Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga waa mid fog oo ku dhaweynaya qorshaha Trump inuu fashilmo, sababtoo ah daqiiqadii u dambeeyay Netanyahu ayaa ku guuleystay in qorshihiisa uu ka dhaadhiciyo trump, iyadoo aan laga talagelin dalalkan wax ka beddelka qodobbada qorshaha nabada Gaza.
Si cad Qorshaha Trump ayaa muujinayo mar marsiyo uu doonayo inuu kula safto Israa’iil, maaddaama uu sharuudo adag dul dhigay Xamaas, waxaana heshiiskan lagu minceeyey mid aan boqolkiiba 90 suura gali karin, kaas oo sii xoojinayo xiisada colaadeed ee marinka Gaza, sidoo kalana dib u dhigaya qorshaha aqoonsiga dowlad falastiini ah, taa oo sida la wada ogyahay uu Mareykanku si aad ah uga soo horjeeday.
Marka ay soo baxdo jawaabta diidmada u badan ee Xamaas, lama saadaalin karo doorka ay qaadan doonaan dalalka carabta iyo kuwa Islaamka, xilli Mareykanka uu shaaciyey in diidmada Xamaas ay soo de dejineyso taageero hor leh oo uu ugu yabooho Israa’iil.
Xamaas quwad ahaan wey u bidhaamisay carada qodobada nabada ee Trump waxana Guutooyinka iska caabinta marinka Qasa ee Qasaam ay fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidanka Israa|l, oo ku sugnaa waqooyiga marinka Qasa, xilli uu Aqalka Cad ka socday kulan uu Netanyahu la qaadanayo Trump.
Si kastaba Toddobaadkan gudihiisa Labo casho gudaheed waxaa Gaza lagu dilay labo boqol oo qof, iyadoo weerarrada ay dadkan ku dhinteen si ku talagal ah looga fuliyay xeryaha ay dadka Qasa ku barakaceen, halka tobannaan ruux lagu dilay waddooyinka, waxeyna arrintani noqoneysaa xaalad waji kale u yeelaysa xasuuqa ka socda Qasa, oo iminka ku suntan mid uu si aad ah u riixayo Mareykanka.
WQ/Ayaanle Qoyste