(Hortabin Media)- Guud ahaan bahda caafimaadka iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyey in dib loo yagleelo 30 sano kadib bangiga keydka dhiiga, kaas oo sabtidii aynu ka soo gudubnay uu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre
Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr luul Maxamuud Maxamed ayaa ugu horeyn ka warbixisay muhiimada uu bangiga dhiiga u leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kaas oo faa’iido badan u ah haweenka iyo caruurta dhiig la’aantu daashatay
Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo ka mid ah dhaqaatiirka ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bangiga dhiigu uu fududeynayo in la helo noocyada ee kala duwan dhiigaga ay bukaanadu u baahan yihiin
Bangiga dhiigga ayaa barisamaadkii ahaan hay’ad madax bannaan, waxaana dhinaca dhaqaalaha ka taageeri jirtay Dowladda Finland, sida uu Sheegay Yaasiin Axmed Nuur oo ah hormuudka kuliyadda caadfimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya.
Ugu danbeynti Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitalka Banaadir Dr Cabdiweli Axmed Xiireey ayaa si kooban uga warbixiyey qeybaha uu ka kooban bangiga dhiiga ee cusub, oo uu sheegay in yihiin ilaa 4 qeybood oo waa weyn.