Madadweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Baqortooyada Sacuudiga.
Madaxweynaha ayaa maanta ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.
Madaxweynaha ayaa inta uu Sacuudiga jooga kulamo la yeelan doona, madaxda dalkaasi, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo gooni gooni ah la yeesho hoggaamiyayaasha dalalka ku mideysan Jaamacada Carabta, kuwaas oo badankood si aad ah u daneeya siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, ayuu socdaalkiisa wadamada khalijka, lagu sifeeyey raadinta kaalmo dhaqaale oo qeyb ka noqota dagaalka lagula jira Al Shabaab.