(Hortabin Media) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmahan booqasho ku jooga Dalka Qatar, isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda dalkaasi .
Qorshaha Ra’iisul wasaaraha ee safarka Doha, ayey ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen inuu ku qotomo, sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Al Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qatar ka doonaya taageero maaliyadeed iyo mid milatari, taas oo wax ka tari karta dagaalka xooggan ee ay dowladdu ku baaqday in Al Shababa dalka uga xoreyneyso.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale la kulmay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar, isagoo kala hadlay sidii Qatar ay Soomaaliya uga hirgalin lahayd mashaariic kala duwan oo maalgashi.
Dowladda ayaa ku rajo weyn in ay Qatar oggolaato qorshayaasha la xiriira taageerida dagaalka Al Shabaab iyo maalgashiga Soomaaliya, maaddaama Xukuumadda Doha qudheeda ay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneynaya Soomaaliya.
WQ: Ayaanle Qoyste