Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga munaasabada Ciidul Fidriga oo fooda inagu soo heyso, waxaana jirta in maalintii iyo habeenkii xilli danbe ay si joogta ah qeybaha bulshada uga adeeganayaan goobaha lagu iibiyo dharka noocyadiisa kala duwan.
Sanadkan waxyaaabaha Suuqa lagu soo kordhiyey ee dhalaanka da’da yar soo jiitay si ay ugu ciidaan ayaa waxaa ka mid ah dhar wata hearphono iyo taleefano smart phones ah waa kan Liiban Xasan oo ka mid ah ganacsatada suuqa Xamar Weyne.
Goobaha carwooyinka ee degmada Xamar ayaa iyana waxaa buux dhaafiyey waalidin ay la socdaan ubadkooda, kuwaas oo dharkii ciida loo iibinayo.
Sidoo kale waxaa jira dad duleedka magaalada Muqdisho uga soo dukaameysi tagay suuqa xamar Wayne munaasabada ciida awgeeda, taas oo muujineysa amniga ka jira Magaalada.
Maalmaha ciida waxyaabaha ay ubadka aad u xiiseeyaan waxaa ka mid ah qalabka ay caruurtu ku ciyaaraan oo noocyo kala duwan isugu jira, sida Biskooladaha lagu ciyaaro, Baabuurta iyo agab kale oo ay ubadka jecel yihiin.
Marka ay soo dhawdahay maalmaha ciida goobaha saxmada ah ee sida aadka loo soo buuxiyo waxaa ka mid ah meelaha lagu iibiyo Mac macaanka sida Xalwada Doolshaha iyo Buskudka, kuwaas oo si xowli ah loo iibsanayo.