Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay sii kordhinayso howlaha tababarka, latalinta iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo xasiloonida dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ka hirgeliyay xarumo milatari oo cusub, kuwaas oo ay kamid yihiin Taliska Hawada Soomaaliya.
Talisyadan ayaa ka kooban diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopters) iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah, kuwaas oo door ka qaata howlaha difaaca dalka iyo dagaalka AS.
“Soomaaliya waxaan dhawaan ka dhisnay Taliska Ciidanka Cirka oo ka kooban mid ay ku soo dagi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo Drones” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler
Sidoo kale, Mr Yasar ayaa xusay in Turkigu uu Soomaaliya siiyay tababaro dhismeed oo heer sare ah, kuwaas oo lagu horumarinayo xirfadaha iyo awoodda ciidanka, isla markaana kor loogu qaadayo madaxbannaanida amni ee dalka.
Turkiga ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida dhow uga taageera dagaalka AS iyo Daacish, isagoo duqeymo ka fuliya qeybo kamid ah dalka.
