Iraan ayaa shaacisay tirada goobaha ay israa’iil iyo Mareykanka ay beegsadeen, waxana Hay’adda laanqeyrta cas ee iiraan ay baahisay tirada goobaha la beegsaday intii uu dagaalka socday.
Tan iyo markii dagaalku ka bilowday Iiraan, waxaa waxyeello soo gaartay 82,417 “goobo rayid ah” oo ku kala yaalla dalka oo dhan, sida uu sheegay madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Iiraan.
Madaxa hay’adda gargaarka bani’aadamnimo ayaa sidoo kale sheegay in “wadar ahaan 281 isbitaallo, xarumo caafimaad iyo farmasiyo la bartilmaameedsaday.”
Dhinaca kale Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in weerarro ay fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka lala beegsaday labo xarun oo gaaska ah iyo dhuun shidaal, saacado uun ka dib markii Madaxweyne Trump uu sheegay inuu si kumeel gaar ah u joojinayo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta.
Waxaa jirta rajo ah in koox wadahadal oo ka socota Mareykanka ay toddobaadkan dalka Pakistan kula kulmi karaan mas’uuliyiinta Iran.
