Cabdullaahi Sanbaloolshe Taliyaha hey’adda NISA ayaa gobolka Hiiraan ka wada abaabul iyo kulamo uu la yeelanayo beeshiisa, iyagoo ka arrinsanaya arrimo kala duwan.
Kulamada uu wado waxaa ka soo qeyb galay waxgarad aad u fara badan, waxaana Taliyaha uu qorsheynayaa in la dar dar galiyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale wada qorshe uu isagu soo dhaweynayo beesha uu ku abtirsado iyo maamulka Hirshabelle, oo ay kal hore ka biyo diideen.
Xogaha ayaa sheegaya in Taliyaha uu si hoose ula hadlay Beeshiisa, isagoo ku wargaliyey in la xalinayo dhamaan tabashooyinka ay qabaan, wuxuuna ka codsaday in ay muujiyaan midnimo ay ku taageerayaan maamulka Hirshabelle.
Dadka degan gobolka Hiiraan badankood ayaanan waqtigan ku qanacsaneyn maamulka Hirshabelle ee uu hoggaamiya Cali Guudlaawe, waxeyna u soo jeedinayaan dhaliilo kala duwan, iyagoo dusha uga tuuraya masuuliyada dib u dhaca heysta Hirshabelle.

