Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo wehliyo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen, Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqasho ku tegay xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qorilloow
Gobalka Sh/dhaxe.
Kormeerka xeradaan uu Taliyuhu ku tegay ayaa ah in dib u dhis xoogan lagu sameeyo xerada iyo Dugsiga Tababarada ciidamadada ee Qorilloow oo dhawaan ay baneeyeen Ciidamada ATMIS.
Taliyaha ayaa kormeeray dhamaan xerada inta ay ka kooban tahay, waxuuna sheegay in dib u habeyn weyn lagu sameyn doono qeybna ay ka noqon doonto xerooyinka dib u dhiska xoogan lagu sameynayo dhawaan.
Qorilloow waa mid ka mid ah Dugsiyada Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuuna biri samaadkii ahaa goob lagu carbiyo Ciidamada milateriga Soomaaliya.