Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaalieed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Lataliyaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ee Safaarada Mareekanka ee Soomaaliya mudane Flannery, Robert.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta howlaha nabad-gelyada la xariira iyo tayeynta ciidanka.
Taliyaha Booliska oo dhawaan la magacaabay ayaa u muuqda, nin dar dar ku soo galay howsha, waxaase horyaalla howlo adag oo la xiriira xaqiijinta amniga caasimada iyo tayeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed.