Waxaa sanadihi ugu danbeeyey yaraaday macaamiisha Footooyinkii sawirada lagu gali jiray, waxaana waqtigan booskooda buuxiyey taleefanada casriga ee Smart-Phones-ka loo yaqaan.
Dadka raba in ay sawir iska qaadaan ayaa isticmaala taleefankooda gacanta, taas oo meesha ka saartay in la tago footo kadib-na lagu soo galo sawir.
Milkiilayaasha footooyinka ayaa inoo sheegay in arrinta ay caqabad ku noqotay nolol maalmeedkooda, waxaana sanadihii ugu danbeeyey la xiray inta badan footooyinkii ka furnaa Muqdisho.
Sababaha footooyinkan loo xiray ayaa lagu sheegay macaamiil yari, waxaana xirfadlayashii mehradahaasi ka shaqeyn jiray, ay badankooda abuurteen xirfado kale oo ay ku shaqeystaan.
Footooyinka tirada yar ee iminka ka furan gudaha dalka, ayaa macaamiishooda ka qaada sawirada Teesaraha loo yaqaano oo qura, maaddama adeegyadii sawirada kale ay dadku isaga qaadayaan taleefanadoda gacanta.
Si kastaba Tiknoolajiyada casriga ah ee dunida, ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay xirfadlayaal badan, waxaana dadka qaar ay u arkaan horumar cajiiba oo dadyowga dunida isugu keeneysa hal goob.