Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jirto gabar sanad jir ah ayaa geeriyooday, halka tiro kale weli badda lagu la’yahay, ka dib markii dooni ay la socdeen kula degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Doonyaha oo wadarta ahaan sida ku dhow 90 ilaa 100 qof, ayaa ku rogmaday qiyaastii 14 mayl u jirta jasiiradda. Labadan doon ayaa ka baxay Tripoli, Liibiya, iyagoo siday muhaajiriin ka kala yimid Pakistan, Soomaaliya iyo Suudaan.
Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtay in 60 qof la soo badbaadiyay lana geeyay xarruumaha gargaarka degdega, iyadoo qaar kamid ah dadka la daaweynayo.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in mid ka mid ah doonyaha ay biyo galeen ka hor inta aysan qalibmin, taas oo keentay in rakaabkii qaarkood ay isugu tagaan doonta kale, taasi oo ugu dambeyn biyo buux ka buuxsameen. doon kale.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in howlgalka badbaadada ay qeyb ka ahaayeen shan doon, iyadoo sidoo kale adeegsanayay helikobtar, diyaarado iyo qalab kale.
Maydadka dadka dhintay ayaa la soo qaaday, waxaana labo ka mid ah laga helay gudaha mid ka mid ah doonyaha degay.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni oo ka hadashay dhacdadan ayaa ku celisay in ay ka go’antahay dowladdeeda xakameynta dadka ku tahriibaya sharci darrada.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin wararka sheegaya in dad Soomaaliyeed qeyb ka ahaayeen Tahriibayaasha geeriyooday.