(Hortabin Media) – Beelaha jareer weyne ayaa sheeganaya tabasho ku qotonta xariga General Sheegow Axmed Cali, kaas oo ay xabsiga u taxaabeen dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku eedeeyeen in ciidamo uu watay ay ka danbeeyeen falal amni darro.
Waxgaradka iyo odayaasha beesha oo Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhagaha ka fureysatay baaqooda, waxaana xariga Jeneral Sheego ay ku tilmaameen mid caddaalad darro ah.
Waxgaradkan ayaa sidoo kale hore ula kulmay Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka beesha Mudulood, iyagoo uga waramay tabashada ay qabaan.
Kulankaasi ayaa ku soo idlaaday in aan la qabyaaladeyn kiiska Sheegow, waxaana la isku raacay in laga war sugo hay’adaha caddaalada oo iminka gacanta ku haya kiiskisa.
Si Kastaba beelaha Jareer weyne ayaa u muuqda kuwa aanan weli ka harin kiiska Sheegow, waxeyna si joogta ah u qabanayaan kulamo ay ku dhalliilayaan xarigiisa, inkastoo la mamnuucay dibadbaxyo kala duwan oo ay hore u abaabuleen.