Dagaalka Sudan ee daba dheeraaday, ayaa iminka keenaya in dalku uu galo xaalad bani’aadminimo oo halis ah, taas oo laga sii digayo.
Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan ayaa diiday baaqyo kala duwan oo uga yimid caalamka, waxaana codsigii ugu danbeeyey u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Waqtigan Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in dad lagu qiyaasay 5-Milyan oo Sudan ah, ay halis ugu jiraan xaaladd Macluul ah, taas oo laga cabsi qabo in ay xaaladda dalkaasi sii cakirto.
Jeneralada isku haya dalkaasi, ayaa dhagaha ka fureystay baaqyo xabad joojin ah, oo caalamka uga yimid, iyadoo dagaalku uu socdo wax ku dhaw sanad.
Dadka rayidka, gaar ahaan caruurta iyo haweenka ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin kuwo ugu nugul ee ay xaaladdaasi saameyn karto, maaddaama ay badankooda barakaceen.