Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku soo bandhigay degaano ka tirsan Gobolka sool Maxaabiis maalinimadii shaley ay ka soo qabteen Ciidamada Somaliland kadib dagaal ka dhacay Aaga degaanka Buqdharkeyn ee Gobolkaas Sool.
Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay sawirada Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland oo dagaalka lagu qabtay, kuwaas oo Maamulka Khaatuma uu ku eedeeyay in ay ahaayeen kuwo denbiyo waa-wayn ka galay dadka SSC.
Xoghayaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Maamulka SSC-Khaatumo oo faah fahin ka bixiyay dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhowr jeer soo weerareen Saldhigyada Ciidamada SSC Khaatuma, isaga oo sheegay in ay iska caabiyeen.
Degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatuma, waxaana taasi ay keentay in Ciidamada Somaliland lagala wareego Magaalada Laas-Caanood iyo degaano kale oo ku yaalla Gobolka Sool.