Kooxda Horyaalka Ingiriiska ka ciyaarta ee Tottenham, ayaa waqtigan horyaalka ka soo muuqaneysa xilli aanu garoonka ugu jirin weeraryahankeedii halista badnaa Harry Kane, kaas oo u dhaqaaqay Buyern Munich.
Wariyayaasha falanqeeya kubbada cagta ayaa sheegay in Spurs ay ku adkaan doonto in ay dhaqaaqdo, Harry la’aantiis, waxeyna shaki galiyeen in ay horyaalka ka gali doonto kaalmaha hore.
Gool dhaliyaha xulka qaranka Ingiriiska iyo kabtanka seddexda libaax ayaa u wareegay Bayern Munich, isagoo u saxiixay heshiis uu kula joogayo ilaa 2027.
Kharashka ay ka bixisay Buyern ayaa ah in ka badan 100 milyan oo ginni ($ 127m), waana lacagtii ugu badnayd ee ay koox Bundesliga ahi bixiso, waana mid jabisay Rikoorkii hore ee ahaa 80 milyan oo euro oo ay Bayern ka bixisay Lucas Hernandez oo ka yimid Atletico Madrid 2019.
Spurs ayaa durba qaab adag ku billaabatay kulankoodii ugu horeeyey ee horyaalka Premier League, waxaanay bar bar dhac 2-2 ah la galeen naadiga Brentford, axadii aynu ka soo gudubnay.
Paul Merson ayaa aaminsan in Tottenham ay ka soo muuqan doonto qeybaha ugu hooseeya ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska xagaagan, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyey Harry oo aan shabaqa dul dhigi doonin goolashii looga bartay.