Kelitaliyayaasha Afrika oo weli ku taamaya in kursiga sii xajistaan ayaa iminka dhalisay walaac xili ay jiraan wayddiimo isa soo taraya oo ku saabsan talo wareejinta iyo dimuqraaddiyadda Afrika waxaana soo korortay in labo madaxweyne; oo kala ah bool biiya oo kamaroon ka taliya iyo Muusafiini oo Yugaandha ah in ay shaaca ka qaadeen damacooda ah in ay mar kale xukunka iso soo taagaan, wallow oo ay hore-ba talada u hayeen tan iyo qarnigii 20aad oo xukunka ay joogaan afartan sanno.
Haddana Shaacintani waxa ay mar kale kicisay dood ku aadan sii joogista qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika, oo salka ku haysa wax ka beddelista dastuurka waana ta keentay in ay xukunka sii dheeraystaan, iyada oo baahi loo qabo isbeddel dhab ah, iyo xil wareejin salmiya.
Inkasta oo ay jirto kala duwanaansho siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhaxaysa waddamada Afrika haddana tilmaamaha ay wadaagaan hoggaamiyayaashani ayaa ah; muddada dheer ee ay talada ku nagaadeen, waana arrin albaabada u furaysa dood joogta ah oo ku taxalluqda mustaqbalka nidaamyada Jamhuuriga ah ee waddamada Afrika iyo ilaa iyo inta ay hayadaha dawladdu awood u leeyihiin ka jawaabista himilada dadkooda ee ah is beddel doonka iyo isla xisaabtanka.
Keli-taliyayaashan, oo lix ka mid ah aan warbixintan ku soo qaadan doono waxey ka siman yihiin arrimo badan sida Kursi jeceylka, macangag-nimada, waxqabad yarida bur burinta sharuucda, caburinta bulshada boobka dhaqaalaha iyo in talada ay la daadihiyaan xubno ka tirsan qoysaskooda.
Haddii aynu ku horeyno Teyoodhoro Oobiyaang oo ka arrimiya dalka (ikwatooriyaal Gini ), ninkan ah madaxweynaha Gini Ikwatooriyaal, waxa uu xilka hayey ku dhowaad 46 sano.
Talada Gini waxa uu joogaa tan iyo sannadkii 1979-kii, kaddib markii uu afganbi ciidan xilka kaga tuuray adeerkii. Waana madaxweynaha ugu muddada dheer ee xil haya dunida oo dhan. Inkasta oo uu ogolaaday nidaamka xisbiyada badan badhtamihii 1990-kii haddana Xisbiga talada haya ayaa weli awood ku leh saaxadda siyaasadda dalkaasi,waxaana jirta in Tan iyo sannadkii 2016-kii uu madaxweyne ku xigeen u yahay wiil uu dhalay.
Sidoo kale Bool Biya oo ka taliya (Kaamaruun) Madaxweynaha Kaamaruun, Bool Biya, waa madaxwaynaha ugu da’da weyn Caalamka, Waxa uu talada yimid sannadkii 1982-kii, kaddib markii uu is casilay ninkii kursiga uga horeeyey ee Axmadoo Ahidjo, waxaana loogu naanaysaa ninkan “Libaaxa”, sababo la xiriira ku dhagnaanshaha kursiga iyo coleysiga cid kasta oo usoo hanqal taagta waqtigan inkasta oo uu cimriyey (dadiisuna tahay 92jir) haddana waxa uu dhawaan iclaamiyey in uu sharraxanyahay taas oo dood ballaadhan ka dhex dhalisay shacabka iyo saaxad siyaasadda dalkaasi.
Dhanka kale Deenis Saasuu oo isna ah madaxweynah dalka ku yaalla bartamaha afrika ee ( Repuplic of Koongo ) Inkasta oo xilka laga tuuray sannadkii 1992, haddana Deenis Saasuu wuxuu ku guuleystay inuu dib ugu soo laabto madaxtinimada Koongo sannadkii 1997.
Waxa uu talada qabtay labo jeer. Markii koobaad waxa ay ahayd intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1992. Haddana mar labaad ayuu ku soo laabta oo ku began 1997-kii, kaddib kolkii uu dagaal sokeeye talada kaga tuuray Madaxweyne Baaskaal, waxaana la filayaa in uu mar kale isu soo sharraxo doorashooyinka dhici doona sanadka ina soo aadan ee 2026.
Marka laga hadlayo keliga taliyayaasha Afrika wey adag tahay in laga tago Yooweri Muusefini oo madaxweyne ka ah (Yugaandha) Madaxweynaha Yugaandha, Muusefini, weli wuxuu haya talada dalkaasi tan iyo markii xilka laga tuuray Idi Amin sannadkii 1986.
Muddo aad u dheer oo u dagaal hubaysan kula jiray nidaamkii Cidi Amiin waxa uu talada yimid sannadkii 1986-kii, tan iyo wagaas marna kursiga Yugaandha kama degin. Walow aad loo loogu dhaliilo kelitalisnimo iyo ku tumashada xorriyadda haddana dhammaan waxa uu ku guulaystay doorashooyinkii la qabtay oo la rumeysan yahay inuu ku shubtay, iminkana. Wiilkiisa oo ah hoggaanka ciidamada Yugaandha ayaa u muuqda mid dhaxli doona.
Waxaa sidoo kale xusid mudan Isyaas Afaweerki oo heysta ( Erateriya) Afaweerki waa madaxweynaha kaliya ee Erateriya ay yeelatay tan iyo markii ay xornimadeeda ay heshay sannadkii 1993.
Erateriya waxa uu soo xukumayey tan iyo markii ay madax bannaanaatay , wuxuuna talada hayey iyada oo ay gobolka ka jiraan xiisado isla markaas na uu saaranyahay cadaadis caalamiya. isagoo sidoo kale dhibada u aasay xukunkiisa xilli ay jiraan dhawaaqyo ku baaqaya dib habeyn siyaasadeed iyo mid dimuqraadiyadeed.
Ninka lixaad ayaa noqonaya Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha (Jabbuuti), Geelle wuxuu ahaa madaxweynaha Jabbuuti tan iyo sannadkii 1999 (isaga oo beddelay Xasan Abti doon. Ismaaciil Cumar geelle waxa lagu eedayaa in uu iska fogeeyey mucaaradka isla markaas na xoojiyey awoodda Xisbigiisa ee golayaasha siyaasadda sida baarlamaanka, waxaana sidoo kale jirta in qoyskiisa ay saameyn ballaaran ku leeyihiin dowladnimada Jabuuti.
Keli-taliyayaashan badankood waxa ay ka mideysan yihiin, in aysan horumaro la taaban karo u horseedin bulshadooda, waxaana gudaha dalalka ay ka arimiyaan ku sugan dad badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga u ah nolosha , kuwaas oo haddii ay tabashadooda ka hadlaana la kulmaya Jirdil, xarig iyo mararka qaar dil toos ah. arrimahan ayaa muwaadiniinta ku qasbaya in ay ku nagaadaan Aaamusnaan keligii taliyahana uu ku nagaado kursigiisa.
Si kastaba hoggaamiyayaashan oo xukunka ku sii nagaada waxa ay badka keenaysaa wayddiimo la xidhiidha ilaa iyo inta ay dawladahani u bisilyihiin u hoggaansamidda dimuqraadiyadda gaar ahaan iyada oo ay meesha ka maqanyihiin tartanno siyaasadeed oo dhab ah iyo sidoo kale jiritaanka iyo marar badan dastuurrada dalalkaasi loo beddelo arrimo ku qotomo xukun dheeraysi.
Dhanka kale, joogitaanka xukunka ee Hoggaamiyayaashan ayey dadka qaar u arkaan astaan xasillooni, halka in kale na u aragto in ay yihiin kuwa hortaagan isbeddel cusub oo hanaqaada, sidaas awgeed, mustaqbalka xukunka Afrika waxa uu u dabranyahay ragan waxaana si quburadu sheegayaan si degdeg ah loogu baahan yahay is-beddelo siyaasadeed oo saaxada keena rag bisil aqoon ahaan iyo sharci ahaanba, kuwaas oo u nugul bulshadooda, horseedana horumar kaa oo qaarada ka dhiga mid leh mustqabal ifaya.