(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigan qorsheyneysa sidii ay dib u hagaajin ugu sameyn lahayd goobo badan oo ku yaalla dalka, si loogu soo dalxiis tago.
Dowladda ayaa wada hannaan ay ku qurxineyso xeebaha wadanka, iyo goobaha taariikhiga ah, si ay u kasbato dalxiisayaal caalamka uga yimaada Soomaaliya.
Sida la ogsoon yahay sanad walba maanta oo kale 13-ka September waxaa dunida laga xusaa muhiimadda dalxiiska iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah, waxaana Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay ka qeyb qaadashada iyo fulinta qorshahaasi
Dowladda oo maanta Muqdisho ku xustay muhiimada maalinta dalxiiska iyo ilaalinta goobaha taariikhiga, ayaa si uu qorshahan u fulo diyaarineysa ciidamo ka qeyb qaata sugida amaanka goobaha la hagaajinayo.
Waxey sidoo kale ciidamadan sugi doonaan amaanka dadka dalxiisayaasha ah, taas oo la filayo in ay sameyso kobac dhaqaale oo ka soo xarooda dhanka dalxiisa.
Sodonkii sano ee ugu danbeysay Soomaaliya waxaa daashaday colaado kala duwan, kuwaas oo bur bur u keenay bilicdii dalka, waxaase waqtigan la dareemayaa soo kabasho dhan walba leh.
WQ: Ayaanle Qoyste