Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefu Woshe.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha amniga.
Labada mas’uul ayaa adkeeyay in la sii wado wada shaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya, si wax looga qabto caqabadaha jira, loona xoojiyo xasilloonida, nabadda, iyo horumarka gobolka.
Sidoo kale, kulanka ayaa la isku raacay in dalkasta ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada, si looga fogaado waxkasta oo keeni kara colaad iyo rabshado.
Itoobiya ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay qeybta ka yihiin howlgalka AUSSOM, iyagoo askartooda ay ku sugan yihiin deegaannada xuduudka iyo qeybo kamid ah gudaha dalka.

