Dad ka badan kun qof ayaa sanadkan barakacay gudaha dalka, sababo la xiriira colaadaha iyo abaarihii darnaa ee ay Soomaaliya wajahday, sida lagu shaaciyey tirokoob ay sameeyeen Hay’adaha UNHCR, Hay’adda Qoxootiga Adduunka, iyo Norwegian Refugee Council (NRC).
Sida warbxintu sheegeyso dadkan ayaa barakacay 130 maalmood gudahood, taas oo ka dhigay in barakacu uu gaaray heerkii sarreeyey.
In ka badan 408,000 oo qof ay ka barakacay daadad ku soo rogmaday guryahooda. halka tiro gaareyso 312,000 oo qof oo kale ayaa ku barakaceen abaarihii dalka ku dhuftay.
Dadka ugu badan ee guryahooda ka hayaamay ayaa ka barakacay, gobollada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya iyo Gedo, oo koonfurta dalka ku taalla.
Soomaalidan guryahooda ka barakacay ayaa maciin biday meelo kale oo dalka ka mid, welina xaaladooda waxba iskama badalin.
Baahiyaha ugu daran ee ay wajahayaan dadkan, ayaa ah cunno la’aan, biyo yari, caafimaad iyo waxbarasho la’aan, waxaana kordheysa walaaca ay muujinayaan.
Sida Warbixintan Caalamiga ah lagu sheegay xaaladda ayaa laga cabsi qabaa in ay ka sii darto, iyadoo dhibaatada ugu badan ay tahay in dadkan aanay weli helin jawaab bani’aadminimo oo rasmi ah.
WQ: Ayaanle Qoyste