Todobaadkii la soo dhaafay waxaa meel 60 mayl u jirta dekadda magaaladda Boosaaso ku degtay dooni lagu magacaabo Al-Shamis 3 oo ay saarnaayeen 23 nin oo Soomaali ah, oo u badnaa shaqaalaha doontaasi.
Doonta quustay ayaa ku sii jeeday Dekadda Boosaas, oo ay u waday shixnado kala duwan oo ay ka soo daabushay dalka Yamen.
Doonta ayaa quustay, sababo la xiriira dabeylo xooggan oo garaacay, kuwaas oo keenay in doonta ay gudaha u soo galaan biyaha, isla marnaana ay shaqeyn waayaan gabi ahaan Matooradii doontaasi lahayd.
Waxaa soo bad-baaday dhamaan 23- qof ee Soomaalida iyo shaqaalihii kale ee doonta, kuwaas oo garab ka helay doonyo kale, waxaana biyaha ay ku jireen muddo 3 saac ah, taas oo ay wal wal ka dhaxleen.
Waxaa sidoo kale suura gali waayey in la helo dhamaan shixnadii saarnayd doontaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen raggii saarnaa doonta.