Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa gurmad kala duwan u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.
Gargaarkan oo isugu jiray noocyo kala duwan, gaar ahaan raashinka quutul daruuriga ah, ayaa loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ku sugan Kismaayo.
Gurmadkan ayaa la doonayaa in si gaar ah uu u gaaro, qoysaskii ay saameyeen daadadkii El-nino, kuwaas oo badankood barakac ku jooga Kismaayo.
Deegaanada Jubaland waxaa si daran u saameeyey daadadka ka dhashay fatahaada uu sameeyey webiga Juba, waxaana weli xaalad adag wajahaya qoysas badan oo ka mid ah kuwo ku dhaqan gudaha deegaanada Jubaland.