Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda NIS Foundation ayaa Maanta Heshiis is afgarad ah kuwada Saxiixay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA.
Heshiiskaan ay gareen Labada hay’addood waxay iska kaashan doonaan hawlo kala duwan oo khuseeya Arrimaha Cimilada, u adkaysiga aafooyinka, In laga wada shaqeeyo Sugnaanta Cunadda (food security), Arimaha ilaalinta deegaanka, Isku xirka arrimaha gargaarka deg-degga ah iyo xalalka waara.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Agaasimaha hay’adda NIS Foundation Qaasim Gabow Ducaale ayaa Qalinka Ku jiiday heshiiskan is afgarad, kaas oo wax badan ka tari doono Maareynta Masiibooynka iyo xalalka waara.