Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo la-taliyaha dhanka ka hor-tagga leexsashada gargaarka Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa kulan wargalin iyo wacyigalin ah la qaatay Guddiga Iskaashatada Kalluumeysiga ee Dan-kulmis.
Guddoomiyaha ayaa Iskaashatada la wadaagay waajibaadka hay’adda ka saaran badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, isagoo warbixin buuxda ka siiyay halista duufaanta la saadaalinayo ee Laly, isla-markaana ku boorriyay in maalmaha soo aaddan la hakiyo doomaha badda galaya, lana wacyigaliyo kuwa doonaya in ay ku safraan, si looga hor-tago khaaaaro laga baaqsan karo.
Guddiga Iskaashatada ayaa soo bandhigay baahiyaha ku gadaaman Kulluumeysatada, iyaga oo codsaday qacan qabad iyo gargaar dowladeed, Guddoomiyaha ayaana u ballanqaaday in Hay’adda SoDMA diyaarinayso raashin ku filan qoysaska ku tiirsan jillaabashada ee aysan u suura-gali doonin maalmahaan duufaanta Laly awgeed.