(Hortabin Media) – Siyaasiyinta ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waqtigan mowqif isku mid ah ka qaatay Madaxweynaha Maamulkaaasi Cabdi Casiis lafta Gareen.
Siyaasyiinta oo shirar kala duwan yeeshay ayaa si cad uga soo horjeestay kursiga uu ku fadhiyo Lafta-Gareen, iyagoo muujiyey in aanay raalli ka ahayn inuu maamulkaasi sii daadihiyo.
Siyaasyiintan ayaa Lafta-Gareen ku eedeeyey arrimo kala duwan, oo ay ugu horeyso inuu ka gaabinayo qabashada doorashada Koonfur Galbeed, waxeyna ku eedeeyeen inuu doonayo muddo kordhin.
Xubnahan Mucaaridka ah, ayaa sidoo kale sheegay in Lafta Gareen aanu daacad ka ahayn dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyagoo ku tilmaamay inuu ka caga jiidayo billabida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Siyaasyiinta mucaaridka ah, ayaa shalay tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, si ay ula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi ku sugan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay kulan la yeesheen siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxey u cadeeyeen mowqifkooda, iyagoo sida uu wax u wado Lafta-Gareen ku macneeyey mid sababi karta gacan ka hadal iyo xiisado culus oo ka aloosma Baydhabo oo ah fadhiga maamulka Koonfur Galbeed.