(Hortabin Media) – Sirdoonada Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waqtigan unkay iskaashigii ugu ballaarnaa ee ay sanadihii ugu danbeeyey yeesheen labada sirdoon, waxaana waqtigan ay iska kaashanayaan arrimo badan oo dhanka amniga gobolka ku qotoma.
Labada Sirdoon ayaa waqtigan diirada saaraya, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kuwo Al Shabaab u soo iibiya agabka milatari ee ay ku fuliyaan weerarada ay geysanayaan.
Dhawaan iskaashi dhex maray labada Sirdoon waxaa suura gashay in gacanta lagu soo dhigo nin lagu magacaabo Sakari Sakariye, kaas oo ahaa ganacsade lagu eedeeyey inuu Al Shabaab usoo iibinayey agabka milatari.
Ninkan ayey sirdoonka Kenya qabteen bishii May, waxaase markii danbe lagu sii daayey lacag dhan Hal milyan oo Kenya shilling ah, inkastoo mar kale iminka gacanta lagu dhigay.
Sakariye Kamaal Suufi Abasheekh, oo ku dhashay Xaafada Mjengo ee magaalada Mombaza, ayaa ku noolaa magaalada Lamu, waxaana sida la sheegay baaritaano dheer kadib lagu soo oogay in agab ciidan uu Al Shabaab uga soo iibiyey dalka China.
Agabkaasi qaarkood oo ku jira Konteenaro ayaa kal hore lagu soo bandhigay dakadda Muqdisho, xilli ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Soomaaliya, oo hayey xogta ninkan iyo agabka uu soo iibiyey.
Iskaashi ay labada dowladood sameeyeen ayuu iminka ku soo gacan galay, waxaase sida xoguhu sheegayaan lagu daba jiraa xubno kale oo isaga la shaqeynayey.
Iskaashigan ayaa yimid wixii ka danbeeyey markii ay Muqdisho ku kulmeen sirdoonada dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo kala saxiixday heshiis ay ku xoojinayaan wada shaqeyntooda dhanka sirdoonka.
Dhan kale Kenya ayaa waqtigan cadawgeeda koowaad u aragta Al Shabaab, maaddaama kooxdu ay u tallaabayaan dhanka Kenya, iyagoo ka geysanaya weeraro kala duwan.