Maalmihii ugu danbeeyey, waxaa caga badan ku taagneyn amniga Muqdisho, halkaas oo ay Al Shabaab ka geysteen weeraro kala duwan.
Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkan gudihiisa Caasimada ka geystay weeraro noocyo kala gedisan ahaa, oo isugu jiray qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah.
Kooxda ayaa weerartay saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen Dayniile, iyagoo sidoo kale dil ka geystay suuqa degmada Wadajir, waana kuwo qarax ku dilay isla asbuucan, saraakiil ciidan iyo gudoomiye ku xigeenka Marka, kaas oo howlo shaqo u joogay Muqdisho.
Arrimahan ayaa muujinaya in ay is dhigteen ciidamadii Boolisiyo Milataro, kuwaas oo lagu aaminay amniga caasimadda.
Qubarada ku xeel dheer amniga ayaa dowladda usoo jeedineysa in ay la timaado qorshe cusub, oo amniga lagu sugayo, maaddaama uu fashilmay midkii hore.
Qubarada ayaa soo jeedinaya in qorshahan cusub ay ka wada shaqeeyaan ciidamada, iyagoo yeelanaya xiriir wanaagsan, oo suura galin kara in laga guuleysta weerarada Al Shabaab.