Xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland ayaa maraya meel halis ah, waxaana gabi ahaanba joogsaday howlihii wada shaqeyn ee u dhaxeeyey labada dhinac.
Dadka sida dhaw ula socda siyaasadda dalka ayaa sheegaya in khilaafkan uu gaari karo meel ka fog halka uu maanta joogo, iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la xaliyo.
Waxey ku taliyeen qubarradu, in guddi loo saaro khilaafkan, isla markaana la isku keeno dhinacyada, si aanay u curyaamin howlaha dib u dhiska dalka.
Qubbarada ayaa xusay in ay muhiim tahay in guddiga la magacaabayo ay ka dhex muuqdaan, dadka Puntland ku matala siyaasadda dowladda dhexe ama labada aqal ee Barlamanka.
khilaafkan oo in muddo ahba qarsoodi ahaa, ayaa soo shaac baxay markii dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay doorashadii qof iyo codka ahayd ee degaanno ka mid ah Puntland ka hirgashay.
Hoggaamiyaha Puntland oo wixii intaasi ka horreeyey qarsanayey carada uu u qabo dowladda dhexe, ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso dibin daabyada Puntland.
Shalay waxey Puntland ka hortimid heshiiskii gollaha wadatashiga ay ku gaareen Muqdisho, kaas oo ahaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, isla markaana meesha laga saaro nidaamka Ra’iisul wasaaraha dalka, kaas oo loo beddelayo madaxweyne ku xigeen.
Deni ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay, mid aan loo dhameyn, kaas oo marin halis ah ku hoggaaminayo dowladnimada soo kabaneysa, wuxuuna ka digay in lagu dhaqaaqo qorshe aan loo dhameyn.
Puntland kama qeyb galin shirkii 27-kii bishan Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Gollaha Wadatashiga, sababo la xiriira khilaafka oo ah waqtigan mid cirka isku sii shareeraya.
Lama ogga, tallaabada xigi doonta ee ay dhinacyadu qaadi doonaan, waxaase dhab ah in ay adkaan doonto in la isku soo dhaweeyo, maaddaama ay jiraan tabashooyin kala duwan.
WQ: Ayaanle Qoyste