Deegaanada Hirshabelle, waxaa inta badan ku soo noq noqda dagaalka lagula jiro Al Shabaab, kaas oo aan guul sugan laga karaan, arrimo jiro awgood.
Iminka waxa uu dagaal qaraar ka socdaa goobihii sanad iyo bar ka hor laga xoreeyey Al Shabaab, kuwaas oo ay dib u qabsadeen, waxaana jira culeys amni oo lagu qabo kooxdan.
Caqabada koowaad ee guusha ku hor gudban ayaa ah colaada u dhaxeysa beelaha wada daga deegaanada Hirshabeelle, taas oo ah caqabad lixaad leh, waana mid adkeyneysa in xal loo helo dagaalka Al Shabaab.
Aqoonyahanada aqoonta u leh amniga ayaa ku talinaya in la furo madal lagu heshiisiinayo dadka wada dega deegaanada Hirshabelle, taas oo saamixi karta in laga adkaado Al Shabaab.
Waxaa kale oo ay qubaradu ku talinayaan in la helo ciidamo boolis ah, oo saldhigyo ka sameysta goobaha laga xoreeyo argagixisada, si aanay dib ugu soo laaban.
Caqabadahan oo aan la xalin, waxa ay sheegayaan qubaradu in ay akdaan doonto in laga guuleysto Al Shabaab, balse haddii tallaabooyinkan lagu dhaqaaqo waa kuwo mira dhal noqon kara.