(Hortabin Media) – Hanti dhowraha guud ee qaranka oo shir’ jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in Shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak oo kala maamulla garoonka iyo dekadda Muqdisho, aanay soo gudbin xisaab xirkooda.
Xafiiska ayaa sheegay in shirkadaha laga doonayey in 90 casho ka hor sanad walba ay soo gudbiyaan xisaab xirkooda, taas oo aanan dhicin.
Wuxuu sheegay in aysan ay baaristooda ku ogaadeen in shirkadaha aanay la wadaagin xisaabiyaha guud ee dowladda warbixintooda maaliyadeed, arrintaas oo shaki badan abuureysa.
Heshiiska dheef wadaaga ah ee ay ka dhaxeeya shirkadaha iyo Soomaaliya, ayaa dhigaya in 25% dhaqaalaha soo gala Favori LLC, lagu shubo qasnada dowladda, si la mid ah taasi waxey dowladdu xaq u leedahay 62.17% ka mid ah dhaqaalah ay dekedda Muqdisho ka sameyso shirkada Albayrak.
Xafiiska Hanti dhowraha ayaa maalmihii ugu danbeeyey soo saarayey warbixin baariseedyo, ay ku daba galayaan hay’adaha kala duwan ee dowliga iyo kuwa ajaanibta ee dalka ka howlgala.