Waxaa maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga furmaya wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la soo xulay 301 ergo oo metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhalinyaro, haween, cuqaal iyo waxgarad.
Ergadan la doortay ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta dhismaha maamulka cusub, iyagoo qeyb ka noqon doona qaabeynta kuraasta maamulka SSC iyo dejinta qaab-dhismeedka guud ee maamulka.
Wararka naga soo gaaraya Laascaanood ayaa intaa ku daraya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiisaynayso in ergadan cusub ay si toos ah u doortaan maamulka cusub ee SSC, si loo helo maamul ku dhisan matalaad dhab ah iyo wada-tashi bulshada dhexdeeda ah.
Shirkan maanta ka furmaya magaalada Laascaanood ayaa wajahayo culeys siyaasadeed oo ugu imaanaya maamulka Puntland.