Wasiirka Beeraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ay jirto cabasho uga timid beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo ka cabanaya culeysyo ay ku qabaan Baraha Koontorool ee ciidamada dowladda ay ku hubiyaan gaadiidka.
Maareeya ayaa isagoo ka jawaabaya cabshada uga timid beeraleyda waxa uu fariin u diray ciidamada dowladda ee jooga baraha koontorool ee duleedka Muqdisho, oo uu ka codsaday in ay mudnaanta koowaad siiyaan ganacsatada beeraleyda beeraleyda ee khudaarta usoo wada suuqyada caasimada.
Wasiirka beeraha ayaa xusay in Beeraleyda Soomaaliyeed ay xilligan dhibaato ku qabaan Ururka Al Shabaab, waxana uu sheegay in ay ka caawin doonana sidii uu ganacsigoodu u horumari lahaa, maaddaama wax soo saarka beeraha uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya.
Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa waxaa heysta culeysyo dhinacyo kala duwan leh sida uu tilmaamayo mid ka mid ah beeraleyda gobolkla Shabeelaha Hoose, kaas oo sabab amni awgiis uga gaabsaday magaciisa, ayaa sheegay in laga qaado laba canshuur oo ay kala siiyaan Al Shabaab iyo Dowladda.
Sanadihii ugu danbeeyey colaado iyo fatahaado is biirsaday ayaa keentay in dad badan oo hore u tacban jiray beerahooda ay arimahaasi awgeed uga soo huleeleen deegaanadii ay ku noolaayeen waxeyna ku soo biireen xeryaha barkacayaasha ee duleedka Muqdisho, waxaana xusid mudan in wax soo saarka beeraha dalka oo yaraaday ay sababtay in ganacsato Soomaaliyeed ay dalka dibadiisa ka keenaan khudaar noocyo kala duwan leh.