Dowladda ayaa bur burisay dhismayaal ay dad rayid ah deganaayeen, kuwaas oo ay horey ugu shaqeyn jirtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya.
Shacabka guryahaasi deganaa oo aanan heysan dhaqaalle buuran oo ay guryo ku ijaartaan ayaa weli beylah ah, waxaana ka soo yeereysa cabasho aad u ballaaran.
Shalay oo ugu danbeysay Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa howgal bur burin ah ka sameeyey guryo ku yaalla degmada Boondheere, gaar ahaan dhismihii wasaaraddii arrimaha gudaha Soomaaliya.
Waxaa ka sii horeysay bur burin lagu sameeyey Xaruntii dab-damiska, taas oo iyana ay deganaayeen dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood weli dul saar ku ah reero kale, sababo la xiriira dhaqaalle yari heysa.
Dadkan ayaa dowladda ku eedeynaya in aysan heynin wax qorshe ah, oo dib u dejin loogu sameynayo muwaadiniinta, maaddaama aysan awoodin in ay jeebkooda guryo ku kireystaan.
Dowladda ayaanan waqtigan diyaar u ahayn ka jawaabida eedaha la xiriira bur burinta aqalada ku yaalla dhismayaashii ay dowladdi kacaanka ku shaqeyn jirtay, waxaana tallaabadan dowladda Xasan Sheekh ay ku lumisay taageerayaal fara badan.