Bulshada ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayey la soo gudboonaatay wal wal, sababo la xiriiro digniinaha fatahaada webiga Shabeelle.
Digniinaha El-Nino ee isi soo taraya ayaa kordhinaya walaaca ay wehelka u noqdeen dadka Baladweyne, kuwaas oo xaalad adag ku sugan waqtigan.
Digniinaha la shaacinayo ayaa sheegaya in webiga Shabelle uu fatahayo seddexda cisho ee ina soo aaddan, taas oo keeneysa inuu saameyn culus ku yeesho dadka reer Baladweyne.
Waxaa sidoo kale walaacan uu hareeyey dadka ku dhaqan magaalada Jowhar, oo ka mid ah meelaha uu maro webiga Shabeelle ee iminka laga cabsida qabo inuu fataho.
Inta badan Fatahaada uu sameeyo Webiga Shabeelle ayaa waxaa ka dhasha khasaaare kala duwan, wuxuuna barakac badaa qoysas badan oo dan yar ah.