Sannad ayaa maanta laga joogaa marki uu billowday duullaanka ay Israel ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel.
Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi 7-da October, ayay Axaddii shalay ciidamada Israel gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza.
Colaadda ayaa ku fidday meelo kamid ah Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran, Lebnaan, Yemen iyo Syria halkaasi oo gantaallo iyo madaafiic ay ksu weydaarsadeen Israel iyo kooxaha hubeysan ee Iran ay taageerto.
Israa’iil ayaa weli wada xasuuqa ay u geysaneyso shacabka Falastiiniyiinta ah, ilaa haddana ma muuqato dadaalo la taaban karo oo ay colaadaasi ku istaageyso.