Sacuudiga ayaa soo dhaweyay howlagalka ay CIA-da ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahri.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo dhaweyneyso dilka hogaamiyihii argagixisada Al-Qaacida Ayman Al-Zawahri. Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ayman Al-Zawahiri uu hormuud ka ahaa qorsheynta iyo fulinta howlgallada argagixisada ee Mareykanka, Sacuudiga iyo tiro kale oo ka mid ah dalalka kale ee caalamka.
“Kumanaan qof oo aan waxba galabsan oo jinsiyado iyo diimo kala duwan leh, oo ay ku jiraan muwaadiniin Sucuudi ah, ayaa la dilay,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayay sidoo kale wasaaraddu ku sheegtay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo dadaallada caalamiga ah ee wadajirka ah ee lagula dagaallamayo laguna ciribtirayo argagixisada, iyadoo ugu baaqday dhammaan waddamada inay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada si dadka aan waxba galabsan looga badbaadiyo falalkooda guracan.
Axmed Dhaqane, Hortabin Media