Sida ay maanta tabiyeen warbaahinta caalamka, Sacuudiga ayaa u yeeray safiirka dowladda Sweden u fadhiyey Riyaad, kaas oo ay wax badan ka weydiinayaan kitaabkii lagu gubay Stockholm.
Dhawaan ayey ahayd markii nin lagu magacaabo Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden, uu bannaanka meel fagaare ah uu ku gubay kitaabka Qur’aanka kariimka.
Sacuudiga oo falkaasi ka dhiidhisay, ayaa Sweden uga ugu baaqday in ay meel uga soo jeesato falalka ceynkaas oo kala ah, oo ku qotomo kuwa xagjirnimo ah.
Dowladda Iran ayaa hore u sheegtay in ay dib u dhigeyso qunsulkii safaaradooda ee ay u diri lahaayeen Sweden, sababo la xiriira xad-gudubka lagula kacay kitaabka Qur’aanka
Waxaa falkan si adag uga soo horjeestay Midawga Yurub, oo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.