Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni, oo ka maqnaa shirkii Gollaha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gebagaboobay, ayaa si cad uga soo horjeestay waxyaabihii ay madaxda Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyadu ku heshiiyeen.
Saciid Deni ayaa gabi ahaanba mid qalad ah ku tilmaamay heshiiskaasi, kaas oo sida uu xusay ka mid ahaa waxyaabihii Puntland ku dhaliyey in ay wiiqdo xiriirkii ay la lahayd dowladda dhexe.
Deni wuxuu hoosta ka xariiqay in tan iyo xornimadii, ay siyaasada dalka ka taagneyd kalsooni darro ku wajahan qaabka loo qeybinayo awooda dowladda.
Madaxweyne Deni ayaa yiri ” Puntland waxey ka digeysaa wax kasta oo aan loo dhameyn ama aan laga qeyb galin qeybaha bulshada oo aan heshiis madal ah lagu gaarin”
Saciid Deni ayaa xusay in nidaamyada Barlamaaniga iyo kan qeexaya awoodda Ra’iisul Wasaaraha lagu ansixiyey heshiisyadii ugu horreeyey ee loo galay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna arrin aan suura gal ahayn ku tilmaamay in la baddelo.
Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in dalka Soomaaliya uu ka soo kabanayo colaado kala duwan, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in udubkiisa lagu dhiso sharci adag oo lagu wada kalsoonyahay.