Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa go’aan lama filaan ka soo saaray is faham waagii ka taagnaa doorashada maamulka Hirshabelle.
Deni ayaa qaatay mowqif lala yaabo, isagoo baddelay go’aankiisii hore ee ku aaddanaa in doorashada Puntland ay noqoto mid qof iyo cod ah, taas oo ay mucaaridka ku diidanaayeen.
Deni ayaa shir jaraa’ oo uu ku qabtay xalay Garoowe, waxa uu ku sheegay inuu u tanaasulay turiinsho uu u muujinayo dadka Puntland iyo maamulka uu majaraha u hayo.
Deni ayaa ka dhawaajiyey inuu damacsanaa in Puntland uu gaarsiiyo hannaan dimoquraadiyadeed, balse sida uu xusay lala fahmi waayey qorshihii uu naawilayey.
Arrintan ayaa war farxad leh u ah mucaaridka xil doonka ah ee Puntland, kuwaas oo tabasho ka muujinayey doorashada qof iyo codka ah ee Deni ku dhawaaqay.