(Hortabin Media)- Dhawaan gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiytay cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyagoo cuskanaya arrimo kala duwan, kuwaas oo diidaya in Soomaaliya laga qaado cuno-qabateynta hubka ee saaran.
Golaha Amaanka oo cusbooneysiiyay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya, ayaa gaarsiiyey ilaa dhamaadka sanadkan, taas oo walaac ku abuurtay Soomaaliya.
Golaha amaanka ayaa qaraarkan ku ansixiyey kulankoodii 9477-aad, xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirtay in laga qaado cuno-qabateynta hubka ee saaran mudada dheer.
Golaha ayaa arrintan u sababeeyey in Soomaaliya ay weli tahay meel halis ah, oo aan la isku haleyn karin , taas oo khatar ku ah amniga caalamka, sida lagu sheegay go’aanka ay gaareen golaha.
Arrimaha kale ee sababaya in Soomaaliya aan laga qaadin cuno-qabateynta hubka ee saaran ayaa waxaa ka mid ah, dagaallada sokeeye ee dalka ka dhaca, iyo rabshadaha ka dhasha arrimaha doorashooyinka.
Golaha ayaa sidoo kale walaac ba’an ka muujinaya in hubka uu u gacan galo kooxda Al Shabaab, maaddaama waqtigan dowladdu aanay lahayn awood la taaban karo.
Tan iyo 1991-kii Soomaaliya ayey saarneyd cuno-qabateyn dhanka hubka ah, waxaana in lagu soo rogo soo de-dejisay bur burkii dowladii dhexe iyo dagaalladii ahliga ahaa ee ka danbeeyey.
Dowladda Soomaaliya oo xilligan dagaal culus kula jirta Al Shabaab, ayaa si aad ah u daneyneysa in laga qaado cuno-qabateynta dhanka hubka ee saaran, si ay Al Shabaab dalka uga xoreyso, waxaanay dowladdu buuxisay inta badan sharuudihii fududeyn lahaa in laga qaado cuno-qabateynta, walow weli caalamku uu Soomaaliya u arko meel halis ah, oo aanay dowladu masuul ka noqon karin hubka.