Shalay oo ay taariikhdu ahayd 12-ka bisha march waxaa sanad walba dunida laga xusaa maalinta cudurka biyaha indhaha ku furma ee loo yaqaan Glaucoma.
Cudurkan oo loo yaqaan dilaaga aamusan ee araga waxyeeleeya, ayaa khatartiisa iyo saameynta uu ku keeno qeybaha bulshada, waxaa warbaahinta uga waramay Dr Cabdisamad Xasan Haye.
Shalay oo kale ayaa qeybaha bulshada loo sameeyaa wacyi galin ku aaddan sidii xanuunkan looga hortagi lahaa, isla markaana loola tacaali lahaa dadka uu asiibo.
Bahda Caafimaadka Indhaha ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in cudurkan ay u nugul yihiin dadka da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano, waxeyna ku baaqeen in xarumaha caafimaadka la keeno dadka da’da ah.