Goobollada la isku yidhaa Afrikada Saaxil waxa ay foodda la galayaan marxalad cusub oo fawdo ah. Ka soo bilaw Nayjeeriya oo ay sii kordhayaan falalka rabashadaha ee la la beegsanayo masixiiyiinta dalkaas ilaa laga soo gaadhayo Maali oo ay muddo toddobaadyo ah kooxo hubaysani ay isku hareereeyeen Caasimaddeeda. Mushkiladda ay wajahayaan dalalkani kuma koobna uun argagixisnimo, se badankoodu waxa ay wajahyaan xaalado kala gadisan oo ah is jiidjiid siyaasadeed iyo muran salka ku haya sharciyada maamullada hadda jira.
Waxa jira dhufsane yare ay dalalkani wadaagaan ama ka simanyihiin kaas oo ah in ay ka jiraan labo garab oo iska soo horjeeda kuna kala duwan fekerka. Garabka koowaad waxa uu qabaa in la gaadhay waqtigii la iska qaadi lahaa heeryada reer galbeedka lana heli lahaa madaxbannaani dhab ah. Fekraddani waa mid xoogan waxayna haysataa shacabiyad weyn waxa se diiddan oo neceb dalal aan u baran in ay Afrika ula macaamilaan si siman. Halka garabka labaad uu qabo in maslaxadda dalku ku jirto sii wadidda habdhaqankii guunka ahaa kaas oo dawladahan ka dhigay in ay ku dul wareegaan xiddiga gumeysiga oo ayna dhanna u dhaafin.
Loolanka u dhexeeya labadan garab, waxa jira mid ka mid ah dalalkaas oo tusaale cad u noqon kara loolankan, waa dalka la yidhaa Sinigaal. Sinigaal waxa ay muddo aad u dheer cagaha kula jirtay xasillooni siyaasadeed, waxaana ay xidhiidh goonniya la lahayd dalka Faransiiska. Ka dib markii uu talada qabtay Madaxweynaha hadda Basiru Faay waxa uu isbeddel ku yimid xidhiidhkaas waa markii ay dawladdu si la arki karo uga hortimid gumeysigii hore oo ah Faransiiska, ilaa la gaadhsiiyey heer ah in dawladda Sinigaal ay doonayso in ay luuqadda Faransiiska ku beddesho luuqadda Carabida.
Saaxadda siyaasadda Sinigaal labada hoggaamiye ee ugu culusi waa Madaxweynaha hadda Basiru Faay iyo Raysal wasaare Cismaan Sonko. Labadan hoggaamiye waxa ay ku wada jiraan oo ay ka tirsanyihiin Xisbiga “Baastiif” oo matalaya garabka ka soo horjeeda saameynta Faransiiska, waana xisbiga ku guulaystay doorashadii hore ee beddelay Madaxweynihii hore Maaki Saal.
Raysal Wasaare Cismaan Sonko oo hore jeel u galay kuna caan baxay mucaaraddadii adkayd ee uu kala horyimid Maaki Saal, waxa uu ahaa qof ka ad adag Madaxweynaha hadda — Faay gaar ahaan arrinta ku saabsan xidhiidhka Faransiiska. Maaki saal wuxu ku guulaystay in uu Cismaan Sonko ka horistaago ka qaybgelista doorashada isaga oo taas u adeegsaday garsoor la siyaasadeeyey.
Dhanka kale Madaxweyne Faay isagu waxa uu qaatay siyaasad ku dhisan caqlaaniyad. Marka dhan laga eego ma qarsan jirin doonistiisa ah in laga xorroobo haysashada Faransiiska, isla jeerkaas na ma uu rabin in uu dalkiisa oo hore ula daala dhacayey culaysyo iyo dhibaatooyin dhaqaale uu dagaal toos ah la galo faransiiska si la mid ah waddamo badan oo Baariis ka caydhiyey dalalkooda soona afjaray danaha Faransiiska.
Taas lidkeeda Cismaan Sonko, waxa uu u muuqday nin diyaar u ah in uu toos u wajaho Faransiiska waxaana taas laga dhex arkayey khudbadihiisa ku wajahan dadweynaha sida in uu wayddiimo geliyo dheefta ku jirta saldhigyada Faransiisku ku leeyahay Sinigaal, iyo in uu ku baaqo dib u eegista heshiisyada ganacsi iyo dhaqaale. Dhankiisa, Faay waxa uu ku dhaqmi jiray xikmad ah in aanu Faransiisku si fudud uga wada bixi doonin Sinigaal, isaga oo aan wax yeelo gaysan taasna aanu dalkiisu qaadi karin. Waxa uu ku baraarugsanaa in uu wajahayo haliso kala heer duwan, sida waddamada galbeedka oo si walaac leh isha ugu haya tajribadiisa siyaasadeed, waddamada la jaarka ah oo isha ku haya dimuqraadiyadda Sinigaal sugayana fursad qalalaase. Iyo jiritaanka caqabad gudeed oo ay ka midyihiin shabakado taariikh ahaan xidhiidh daneed la leh Faransiiska.
Waxa jira dhufsane yare ay wadaagaan dalal badan oo Afrikada saaxil ah kaas oo ah in ay ka jiraan labo garab oo iska soo horjeeda kuna kala duwan fekerka. Garabka rumaysan in la gaadhay waqtigii la iska qaadi lahaa heeryada reer galbeedka lana heli lahaa madaxbannaani dhab ah iyo garab labaad oo qaba in maslaxadda dalalkani ku jirto sii wadidda habdhaqankii guunka ahaa, waxaana tusaale u ah Sinigaal.
Si kastaba, waxa jirta halis cusub oo soo baxday bilihii laga soo gudbay, halistan cusub ayaa khatar ku ah Madaxweyne Faay, se haddana waxa ay khatar weyn ku tahay xasiloonida iyo nidaamka siyaasadeed ee Sinigaal. Halistan cusub ayaa ah rabitaan xoogan oo Sonko ku doonayo dhaqan gelinta aragtiyihiisa mayalka adag.
Sonko iyo iyo taageerayaashiisuba waxa ay rumaysanyihiin in ay shacabku ugu codeeyeen ku qanacsanaanta barnaamijkooda ku qotoma loolanka iyo wax iska dhicinta. Waxaanay qabaan in Madaxweyne Faay uu ka leexday jidkii la isku ogaa ka dib markii uu hakiyey in la maxkamadeeyo Madaxweynihii hore— Maaki Saal oo hore loogu eedeeyey musuqmaasuq, xidhiidh shisheeye oo aan sharci ahayn, iyo dil dadweyne, go’aankan oo ay taageerayaashu u arkaan khiyaano lagu la kacay mashruucii xisbigooda.
Waxa xusid mudan in Sonko uu ahaa qofka ugu magaca weyn xisbiga “Baastiif” isla markaas na uu ahaa qofka ka danbeeyey in ay codbixiyeyaashu ay aqbalaan Faay, ka dib markii uu Sonko iclaamiyey in uu ku taageerayo murashaxnimadiisa, iyo guddoonka xisbiga, mar haddii uu isagu ka hadhay tartanka.
Taageerayaasha Sonko, xilka Raysal wasaaranimo ee uu hadda hayo hoggaamiyahoodu waxa uu ula muuqdaa xil hooseeya awood ahaan. Walow uu hore u aqbalay xilkaas uguna wacnayd is dhul dhigiisa, haddana waxa waajib ah in uu madaxweynuhu dhagaysto isla markaas na aqbalo aragtiyihiisa.
Garabka Sonko oo ah garab mayal adag, ma qarsadaan saluuggooda ku wajahan habka uu u shaqeeyo Madaxweyne Faay. Garabkani waxa ay rumaysanyihiin in aanay dalka waxba iska beddelin. Iyo in madaxweynihii ay doorteen uu ku hawlanyhay ka shaqaynta danaha Faransiiska, taasna ay caddayn u tahay, booqashooyinka is xig xiga ee uu ku tagay Baariis iyo Caasimadaha dalalka Afrika ee lagu yaqaanno mawqifkooda ka dhanka ah garabka lidka ku ah Faransiiska.
Cismaan Sonko oo hadda ah Raysal wasaaraha Sinigaal waxa uu ahaa qofka ugu cadcad Xisbiga talada haya ee Baastiif, waxaana loo arkayey in uu beddeli doono Madaxweynihii hore waxa se uu galay jeel siyaasadeed kaas oo u diiday in uu tartamo, waana sababta keentay in uu Faay fursad helo oo noqdo Madaxweyne.
Hadda, dooddu waxa ay ku dul wareegaysaa labo wayddiimood oo waaweyn. Ta hore ayaa ah: Faay ma ku guulaystay mawqifkiisa siyaasadeed, se ma u heli karnaa cudur daar mar haddii aynu ognahay in xaalku si weyn u kala duwanyahay kolka aad tahay keliya dhaqdhaqaaqe iyo kolka aad tahay madaxweyne masuul ka ah malaayiin qof oo muwaaddiniin ah? Wayddiinta labaad ayaa ah, sidee ayey suuragal u tahay in dalku yeesho siyaasad gudeed iyo mid dibedeed iyada oo ay hoggaanku kala wataan labo aragtiyood oo kala socda?
Tusaale ahaan, Cismaan Sonko waxa uu ku baaqayaa in laga takhaluso urur goboleedka “ECOWAS” oo uu u arko gacan uu Faransiisku ku fushado danihiisa daleed, iyo gabi ahaanba in la beddelo lacagta “Faranka” taas oo ula muuqata lacag gumeysi leeyahay. Halka, Faay uu ka soo horjeedo jihadan u eeg mid kocdoon, waxaanu ku dhaganyahay mawqifkiisa, se Sonko wuxu gaadhay heer uu raadiyo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen dalalka jaarka ah ee wada iska caabbinta, ama uu ku baaqo in la fargeliyo Maali si looga garabsiiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweyne Faay waxa uu isku taxalluujiyey in uu usha qabsado badhtanka oo aanu dhinacna lumin, waxaanu ku dedaalay in uu ilaashado xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay ururka “ECOWAS”, iyo dawladaha ka baxay ururka ee samaystay isbahaysiga la baxay “ Isbahaysiga Saaxil”. Faay, waxa uu istusay in tallaabadani ay ka caawin doonto dhexdhexaadinta labada dhinac, iyo dajinta xiisadaha ka dhex oogan dalalka gobolka, laakiin dedaalladiisu waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay mana ay dhalin wax natiijo ah, ee waxayba keeneen taas cagsigeeda iyo in ay dhinacyadu shaki ka muujiyaan una arkaan hoggaamiye aan go’aansan dhinaca uu la jirayo.
Arrinka warwarka leh ayaa ah in ayna xaaladdu sidan sii ahaan doonin muddo dheer. Waxa lama huraan noqon doonta in labada hoggaamiye ay isugu tagaan hal aragti oo dalka lagu socodsiiyo ama in ay gaadho in midkood uu ku fekero sidii uu kan kale saaxadda uga saari lahaa, oo ay noqoto Sonko oo ka faa’iidaysanaya shacabiyadda ballaadhan iyo dhaxalka siyaasadeed ee uu leeyahay iyo Faay oo kolkan ku tiirsan sharciyadda doorasho ee uu haysto.
Waxa laga yaabaa dhismaha isbahaysiga “Joomay Faay Madaxweyne” in uu noqdo bilawga kala irdhoobidda labada nin siyaasad ahaan. Madaxweyne Faay na waxa uu u muuqdaa in uu qof kale u cuganayo hoggaaminta dhismahan cusub, waana arrin looga goleeyahay u diyaar garoobidda xil qabasho kale.
Duruuftii siyaasasadeed ee aadka u kakanayd ee Sonko ka horistaagtay ka qayb gelidda tartanka doorashada waxa ay Faay u saamaxday in uu noqdo hoggaamiye matala Mashruucii “Baastiif”. Sidaas awgeed, arrinta la filayey ayaa ah, in uu xilka ka dagi doono kolka uu dhammaysto muddo xileedkiisa, si uu fursad u siiyo Sonko, ugu yaraan sidaas ayey Jamaahiirta taageersan Sonko wax u fahantay maaddaama ay si weyn ugu xidhmeen shaqsiyaddiisa.
Rabitaanka Faay ee ku sii dhaganaanta xukunku waa mid aanu daah saarneyn. Dabcigiisa dhexdhexaadka ah, iyo walwalka ay dawladaha gobolku ka qabaan Sonko iyo taageerayaashiisa mayalka adagi in ay xukunka dhagacanta ku dhigaan, waxa ay sababi kartaa in quwadaha caalamiga ah siiba Faransiiska ay Faay u arkaan saaxiib la soo dhaweysan karo dabadeed ay taageero u fidiyaan, gaar ahaan haddii uu iska fogeeyo “codadka mayalka adag” iyo saaxiibadiisii hore, isla kolkaas na isku hawlo sidii loo jilcin lahaa loona wiiqi lahaa.
Isaga oo adeegsanaya sharciyaddiisa iyo xukunka, Madaxweyne Faay si uu saaxadda uga saaro Sonko waxa uu ku dhaqaaqi karaa arrimo badan kuwaas oo ay ugu horreeyaan in uu u adeegsado garsoorka si u xoojiyo xukunkii hore ugu socday, ee ka horistaagay in uu ka qayb galo tartankii doorashada, laakiin haddana arrimuhu sidaas uma fududa. Tallaabooyinka caynkan ahi waxa ay dhalinayaan falcelin xoogan oo ay ku kacaan taageerayaasha Sonko, taas oo dalka gelin karta wareeg rabashado iyo fawdo ah.

