Donald Trump ayaa gelinki danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania.
Falkan ayaa muujinaya sida siyaasad ahaan ay u kala qeybsan yihiin Bulshada Mareykanka, Waxaana laga cabsi qabaa in ay kacaan dadka cunsiryiinta ah ee taageera xisbiga Jamhuuriga.
Sheekada xiisaha gaarka ah sameysay ayaa ah in weerarkaasi kadib Trump aanu muujin wax wal wal badan ah, isla markaana uu diyaar usii ahaa inuu la hadlo taageerayaashiisa.
Arrintan ayaa wax wey ka tareysa doorashada Mareykanka ee lagu wado in ay dhacdo bisha November ee sanadkan, waana mid faa’iido badan u leh hanka Trump ee soo laabashada.
Qorshahan ayaa sidoo kale sababi kara in dad badan oo taageera Biden ay u soo wareegaan dhanka Trump, taas oo wax badan ka baddeleysa natiijada doorashada soo aadan.
Dhinaca kale FBI-da Mareykanka ayaa baaritaan ku wada falkan isku deyga dilka ah, waxeyna shaaciyeen xogta Matthew Crooks oo ah 20 jir lagu tuhunsan yahay kiiskan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey, oo ah halka Trump lagu toogtay.