Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay kahor tagayaan wax weliba oo ay damacsan tahay Israa’iil sida in ay saldhigyo ka dhigato Deegaannada Maamulka Somaliland.
Xamsa ayaa tilmaamay in hannaan weliba oo sharci ah ay u marayaan sidii ay u hor istaagi lahaayeen isku dayada kala duwan ee Israa’iil ay ku raadineyso in ay Saldhig ka samaysato qayb kamid ah Soomaaliya si ay uga adeegsato dagaallada ay doonayso in ay gasho.
Waxa uu bogaadiyay Dalalka kala duwan ee Caalamka ee sida geesinimada ku dheehan tahay ku garab istaagay Soomaaliya, Xamsa ayaa intaas ku daray in aanay marnaba Soomaalida xadgudub dhuleed samayn balse haddii lagu gardaroodo ay ka dhiidhiyaan.
“Mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, waa ilaalinta midnimada dadeed & wadajirka dhuleed, dabcan waxa ay Israa’iil rabtaa in ay saldhig ka dhigato Gobollada Waqooyi iyada oo rabto in ay maamusho dhaqdhaqaaqa Badda iyo marin biyoodka Baabul mandab balse kama yeelli doonno, Soomaalidu waa ay u mideysan yihiin diidmada arrintaan” ayuu yiri R’’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre.
Waxa uu soo jeediyay in la xoojiyo ka dhiidhinta xadgudubka Israa’iil ay kula dhaqaaqayso Soomaaliya maadaama ay meel iska dhigtay shuruucda Caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuduudaha, midnimada & wadajirka dhuleed ee dalalka kala duwan.
