Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xubnaha gollihiisa wasiirrada, kula dar daarmay in kaalin ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Xamse Cabdi Barre ayaa ku amray Wasiirrada hay’adaha kala duwan ee dalka, in ay booqdaan furimaha hore ee dagaalka, taas oo dhiira galin u noqon karta ciidamada xoogga Soomaaliya, oo Al Shabaab dagaal kula jiray muddo badan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dagaalka Al Shabaab, uu fursad u siinayo muwaadiniinta in ay codkooda dhiibtaan, waxaana inta taasi ka horeyso uu muhiimada ku tilmaamay in gollaha wasiirrada ay door ku yeeshaan gulufka kooxdaasi dalka looga xoreynayo
Arrintan ayaa noqoneysa mid ku cusub, saaxada siyaasadda dalka Iyo hannaanka dowladnimada Soomaaliya, maaddaama inta badan xubnaha wasiirrada aanay soo dhaafin xafiisyadooda, iyagoo ku socda gawaari raaxo oo aan xabadu karin isla markaana leh ilaalo aad u fara badan.
Qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayuu ku baahay dagaalka Al Shabaab, waxaana la guda galay wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi oo Soomaaliya ka dagaallameysay 15-kii sano ee la soo dhaafay, waana kuwo weli gacanta ku haya deegaanno inkastoo qaarkood laga fara maroojiyey.