Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowlada Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim u ah labada dal
Labada Masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray xoojinta xiriirka labada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay habkii loo fududeyn ahaa isku socodka labada Muwadiinin, iyadoo la fududeynayo dal ku galka.
kulankan RW iyo Safiirka Indonesia u fadhiya Soomaaliya, ayaa waxaa ka sii horeeyey kulan uu safiirku la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kaas oo isna si gaar ah looga hadlay sare u qaadida xiriirka dibulomaasiyadeed labada dowladood.
Dowladaha Indonesia iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir ganacsi oo qoto dheer, maaddama uu dalkaasi caan ku yahay, ama uu ku hormaray dhanka warshadaha, waxaana ganacsatada Soomaaliya ay si joogto ah dalka u keenaa allaabo lagu soo farsameeyey warshadaha dalkaasi.